Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

SOOMAALIYA


Dhulka Soomaaliya waxay kutaalaa geeska Afrika Bari. Waana meel aad muhiim ugu ah xagga juqraafiga. Bedka dhulka Soomaaliya uu ku fidhiyaa qiyaastii waa 246,000 mayl laba jibbaaran, ama (637,000 Kiiloomitir labajibbaaran). Soomaaliya waxaa waqooyi ka xiga Badda Cas, barigana Badweynta Hindiya, dhanka Galbeedna waxaa xad kala wadaaga Kenya iyo Ethiopia, waqooyi-galbeedna Djabouti. Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, taas oo dhererkeedu yahay qiyaastii 2,060 mile ama [3,330 Km].
Dhulka Soomaaliya waa dhul saxara xigeen ah. Waana dhul aad u siman, marka laga reebo dooxooyinka webiyada shabeelle iyo jubba iyo buuraleyda Golis ee taxan xeebaha Waqooyi iyo Waqooyi-Bari . Taasi waxay sahal kadhigeysaa in reer guuraagu ay si sahal ah u safri karaan meeshii ay doonaan. Soomaaliya waa dhul aad ugu haboon xoola dhaqashada, gaar ahaan xilliga barwaaqada, iyadoo ay kabaxaan dhir aad u kala geddisan oo kuhaboon daaqa xoolaha .
Dhanka waqooyiga ee ku xeeran gacanka Cadan waxaa ku yaala dhulka looyaqaana Guban, dhulkaas oo bilicsami ku siyaadinaya Berbera iyo buuraha Golis ee aan kor ku soo xusnay. Ceerigaabo agteedana waxaa kuyaal buurta ugu dheer Soomaaliya oo lagu magacaabo Surad, dhererkeeduna lagu qiyaasay 7,900 feet ama (2,408 mitir). Buurta labaad ee Soomaaliya ugu dheerna waa buurta Baxaya, waxayna kutaal Buruc oo Boosaaso kaxigta dhanka Bari.
Dhanka koonfurtana marka aad u kacdidna waxaad geleysaa Sool iyo Hawd iyo dhulka loo yaqaan galgodon ama oogo . Markaad timaadid dhanka Baydhabo, waa dhul ka samaysan dhagaxa looyaqaan "Granite". Xeebta u dhexaysa Kismaayo iyo Hobyo oo dhererkeedu yahay 1,000 km waa dhul bacaad ah, taas oo kutusinaysa bilicsamida dhulka soomaaliya marka aad kasoo eegtid dhanka badda. Dhulka kale ee hooseeya (dhul-hooseed) ee Soomaaliya waxaa kamid ah Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal oo kuyaal Waqooyi-Bari. Labaduba waa dhul waadi ah, waxayna biyaha ku daraan badweynta Hindiya. Dharoor waxay badda kaga darsantaa Xaafuun, Nugaalna waxay kaga darsantaa Eyl.
Dhanka koonfurta waxaa ku yaala labada webi ee jubba iyo shabeelle. Waxay labaduba kasoo bilaabmaan buuraha Ethiopia. Jubba wuxuu biyaha kaga daraa badweynta Hindiya meel u dhow Kismaayo. Shabeelle wuxuu ku dhamaadaa meel dhexe inta uusan badda gaarin. Jubba ayaa ka biyo badan Shabeelle. Dhulka Labada webi ku xeeran ee aadka u quruxda badan waxaa kamid ah Afgooye, Balcad, Jawhar iyo Jamaame.
Cimilada Soomaaliya waxaa mara dhul baraha, sidaa daraadeed waa dhul kulul. Waxayna leedahay afar xilli: waana kuwan hoos ku qoran:
1. Gu'April - June2. DayrOctober - December3. JiilaalDecember - March4. XagaaJune - SeptemberRoobka ku da'a Soomaaliya sanadkiiba qiyaastii waa 4 inches (100 millimitir). Inkasta oo gobolada soomaaliya roobka ay helaan uu kala duwanyahay. Woqooyi-Bari qiyaastii roobka sannadkii ku da'a waa 8 ilaa 12 inches. Koonfur-Galbeed iyo Waqooyi-Galbeedna qiyaastii waxaa ku da'a 20 ilaa 24 inches oo roob ah sannadkii. Meelaha xeebaha ah ee Soomaaliya aad ayey u kulul yihiin, dhulka berriga ahina waa kuley xigeen. Xeebaha Berbera iyo Boosaaso heerkulku wuxuu gaaraa 38 C ama (100 F), waana bilaha June ilaa September. Dhulka xeebaha koonfureed heerkulkoodu waa hooseeyaa iyadoo ay ka dhacdo dabeyl ka timaada bad-weynta Hindiya. Heerkulka Muqdisho wuxuu u dhexeeyaa 28 C (83 F) bisha June iyo 32 C(90) bisha April.
Dhirta iyo Daaqa Dhulka Koonfurta iyo Woqooyi-galbeed ee Soomaaliya waa dhul hawd ah oo ay dhirtu ku badan tahay, taas oo ay ugu wacan tahay roobka ka da'a meelahaas oo ka badan kan ka da'a dhulka Soomaalida intiisa kale. Woqooyina waxaa ku badan cawska iyo dhir ku haboon daaqa xoolaha. Woqooyi-Bari iyo xeebaha Woqooyiga waxaa ku badan dhirta xabagta leh, sida Fooxa (Beeyada) iyo Maydiga. Fooxa iyo Maydiguba waa xabag aad u udgoon waxaa lagu udgiyaa guryaha iyo masaajidyada, iyadoo weliba loo dhoofiyo dibadaha oo markaas laga helo lacag adag. Dhanka gobolada dhexe iyo weliba koonfurta waxaa ku badan dhirta mayraxda leh. Soomaaliya waxay leedahay xoolo aad u badan. Taasi waxay sababtay in daaqa waddanku uu yaraaday, gaar ahaan marka xilliga roobku uu gadaal uga dhoco markii uu di'i jirey.
Magacyada dhirta soomaaliya ka baxda waxaa kamid ah: Galool, qurac, qansax, cadaad, dhamas, geed-hindi, laama-looyo, hareeri iyo kuwo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karin.
Waxa kale oo duurka ama baadiyaha soomaaliya, gaar ahaan dhanka koonfurta, ku nool xayawaano fara badan. Waxaana kamid ah: Dhurwaaga, dawacada, libaaxa, haramcadka, doofaarka, gorayada, deerada, cawsha, biciidka, sagaarada, dameerfarowga, jeerta, wiyisha iyo weliba noocyo farabadan oo shimbiro ah.

Xoolaha Khayraadka ugubadan ee Soomaaliya leedahay waa xoolaha nool. Xooluhu waa meesha dakhliga ugu badan iyo nacfiga ugu wanaagsani waddanka Soomaaliya kasoo galo. Xoolaha Soomaliya qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag adag, qaybna waxaa laga helaa hilib, caano iyo subag saafi ah. Waxaa kale oo xoolaha laga helaa harag, kaas oo ladhoofiyo, farshaxanna laga dhigo iyo weliba iyadoo baadiyaha haragga loo adeegsado roobceliye lagabbaadsado xilliga roobka.
Xoolaha Soomaaliya waxay isugu jiraan geel, lo' iyo ari. Qiyaas ay samaysay Qaramada Midoobey hay-adda u qaabilsan cuntada iyo beeraha (F.A.O) sannadkii 1967, waxay sheegtay in xoolaha nool ee Soomaaliya ahaayeen 10.6 million. Kuwaas oo ka koobnaa:-
· 2,800,000 Neef - Lo'
· 2,500,000 Neef - Geel
· 2,100,000 Neef - Ido
· 3,300,000 Neef - Riyo

Waqtiga qiyaastaas kore lasameeyey (1967), tirada dadka Soomaalidu waxay ahay 4.5 million. Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba lixdan (60%) waxay ku tiirsanaayeen xoolaha nool.

Beeraha Bedka Soomaaliya oo ah 63.8 million hecters [hektar] waxaa beerista ku haboon siddeed-meelood-oo-meel [1/8] ama 8 million hektar. Waxaase labeeri jirey in yar oo keli ah. Meelaha beeraha ugu haboon ee Soomaaliya waa inta ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliy. Qiyaastii labada webi iyo dhexdooda waxaa beerista ku haboon 7.5 million hektar.
Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay Soomaaliya ka yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka. Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag. Boqolkiiba-sagaashan (90%) Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha nool iyo beeraha .
Waxyaabaha kasoo go'a ama ka baxa beeraha Soomaaliya waxaa kamid ah: Moos[muus], cambe, liin-macaan[liin-balbeelmo], liin-dhanaan, galley, haruur[masago], babaay, sonkor[qasab], qare, seytuun, canab, rumaan, raqay[xamar], baradho, bataato,cudbi[suuf], yaanyo, dabacase[kaarooto], sisin[sinsin], iyo weliba qudaar [khudaar] kala gedgedisan.
Magaalooyinka Soomaaliya ee ku xeeran labada webi, beeridana ku haboon waxaa kamida: Beledweyne, Jawhar, Balcad, Afgooye, Baardheere, Shalambood, Jilib, Jamaame iyo Kismaayo iyo kuwo kale oo fara badan.
Marka laga reebo labada webi, meelaha kale ee ku haboon wax beerista waxaa kamida; gobolka Waqooyi-galbeed, halkaas oo cimilada iyo dhulkuba ku haboonyahay beerista. Dhanka gobolka Bari waxaa kabaxa timirta. Geedka timirtu waa geed ku haboon cimilada kulul.
Roobka ku da'a Soomaaliya oo yar awgeed, badanaa soomaalidu wax kama beertaan wixii kabaxsan labada webi. Waana sababtaas midda ay soomaalidu u dhaqdaan xoolaha. Waayo waxaa u sahlan [reer guuraaga] in ay u guuran hadba meeshii roob kada'o.
Dhismayaal Taariikhi ah Qaybtaan waxay ku saabsan tahay dhismayaal taariikhi ah iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya, waana kuwan soo socda:
Masjidka Fakhradiin ee Xamar waxaa ladhisay 1269.
Masjidka Shiikh Cabdulcasiis ee Xamar waxaa ladhisay 1210 sano kahor .
Dekedda Kismaayo waxaa ladhamaystiray November 1968 .
Dekedda Berbera waxaa ladhamaystiray sanadkii 1969 .
Taalada Dhagaxtuur waxay xusuus u tahay dhagaxtuurkii xorriyad doonka ahaa ee dhacay 5 October 1949.
Madxafka Qaranka [museum] wuxuu ahaan jirey gurigii Siciid Barqash qarnigii sagaalaad dhexdiisii iyo qarqinigii tobnaad .
Waxaa kale oo xusid mudan dekeddaha Xamar iyo Boosaaso . (Taariikhihii la asaasay oo rasmiya mahayn markaan qoraalkaan samaynayey)
Shirkadda Dayuuradaha ee Soomaali Airline waxaa la asaasay sannadkii 1964 .
Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya waxaa kamida:
· Garoonka Muqdisho: oo ah 2,500 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
· Garoonka Hargeysa: oo ah 2,250 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
· Garoomada kale ee Soomaaliya waa: Garoonka Kismaayo, Burco, Ceerigaabo, Boosaaso, Caluula, Qardho, Eyl, Qandala, Gaalkacyo, Hobyo, Iskushuban, Ballidoogle, iyo kuwo kale.

Bilic-Samida Soomaaliya Soomaaliya waa dhul aad u quruxbadan. Buuraha, webiyada, xeebaha, togagga, dooxooyinka, balliyada, dhirta, ugaarta, xoolaha, beeraha. dhammaan kuwaasi waxay ka midyihiin bilicda ilaah ku mannaystay dhulka Soomaaliya.
Soomaaliya in ay tahay dhul aad u qurux badan oo qadiimi ah waxaa caddaynaya dhismayaasha aadka u da'da weyn iyo goobaha bilicda san ee kuyaal qaybkasta oo waddanka Soomaaliya kamida.
Haddii aan meelaha bilicda san ee Soomaaliya inyar kasoo qaadanno waa kuwan:
· Beeraha mooska iyo cambaha ee Afgooye
· Bacaadka Shalanbood
· Gacal Libaax [Hargeysa]
· Ceelaayo iyo Qaw
· Webiyadda Jubba iyo Shabeelle
· Karin Heegane oo u dhexeeya Laasqoray iyo Ceelaayo
· Hilayo oo udhow karin-heegane
· Biyaxireenka Baardheere
· Xeebta Jasiira
· Togga Baalade oo udhow Boosaaso
· Buuraha Sil-siladda Goolis
· Ceelka Yamayska oo u dhow Gaalkacayo
· Xeebta Warsheekh
· Buurta Baxaya iyo Buruc
· Gacan-boogame oo u dhow Laascaanood
· Dooxada Ceeriye oo u dhow Qardho iyo Iskushuban
· Afgooye, Balcad, Xamar, Baraawe, Marka, Hobyo, Eyl, Saylac, Hargeysa, Burco, Kismaayo, Boosaaso, Jilib, Jamaame, iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi karin.

Sheekooyinka Qadiimka ah ee Soomaalida waxaa kamida:
· Dheg-Dheer iyo Boholaha Xargaga
· Araweelo iyo Oday Biiqay
· Wiil-Waal iyo Afadiisii
· Aw-Geedi Baabow iyo todobaadka arooska
· Cigaal Shiidaad iyo Fulaynimadiisii
Waxaan akhristayaasha markale xusuusinayaa in qoraalkaan aan ugu talagalay aqoon isweydaarsi iyo aqoon kororsi. Waxaan idinku casumayaa in ay ii soo gudbisaan fikradiina kusaabsan qoraalkan.
Dadka Dhaqanka, luqadda iyo hab nololeedka dhamaan Soomaalidu waa iskaga mid meel kasta oo ay Soomaalidu kaga noolyihiin Soomaaliya. Soomaalidu badanaa waa dad isugu jira ree-guuraa, beeraley, kalluumaysato, iyo kuwo magaalooyinka deggan. Afka ay kuhadlaan dadka Soomaalidu waa Af-Soomaali, waana af aad u qadiim ah, wuxuuna la bah yahay afka loo yaqaan Kushitik [cushitic]. Waxaase laqoray afka Soomaaliga sannadkii 1972kii.
Dhanka baadiyaha Soomaalida deggani waa dad aan meel ku negeyn oo had iyo jeer guur-guura. Waxayna dhistaan Aqal-Soomaali, kaas oo ah mid dhismihiisa iyo raridiisuba ay sahlan tahay. Reerguuraagu waxay dhaqdaan xoolo ,kuwas oo noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha ay ka helaan xoolaha nool. Soomaalida reer guuraaga ah waxay aad u qiimeeyaan geela. Geelu wuxuu u leehay Soomaalida manaafacaad badan, waana daabadda ugu muhiimsan oo ay haystaan, inkasta oo meelaha buuraha iyo qararka ay muhiim kayihiin dameeruhu.
Soomaalida deggan labada webi iyo inta ku xeeran waa dad beero falato ah, waxayna dhistaan guryaha nooca loo yaqaan cariish iyo mudul. Nolol maalmeedkooda waxay kasoo saaraan beeraha, iyadoo dhulka webiga agagaarkiisa ah uu yahay mid aad ugu habboon waxsoosaarka. Waxay lasoo baxaan miro fara badan iyo weliba khudaar [qudaar] kala nooc nooc ah. Dhanka badda Soomaalidu aad ugama faaiidaystaan. marka laga reebo magaalooyinka Baraawe iyo Caluula oo dadka kunool labadaas magaalo ay si weyn uga faa'iidaystaan khayraadka dhexjiifa badda dheer ee soomaaliya.
Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka, badanaa waa dad ganacsato ah. Waxayna u kala baxaan qayb dibedda wax kasoo dejisa iyo qayb waddanka dhexdiisa ka ganacsata. Waddanka gudihiisa meelaha ay ka ganacsadaan ama wax ku gataan waxaa kamida:dukaanno, macdaarro yaryar, tubaaka-hayo [tabakaayo], firsho ama warato, suuqweyne [markaato], suuqa xoolaha, iyo kuwo kale. Dadka Soomaalidu waxay ka kooban yihiinqabaa-il [qabiilooyin].
Akhritow waxaad xusuustaa in Ilaah uu bini-Aadanka ka dhigay shacabyo iyo qabaa'il kala gedgedisa. Sidaas daraadeed waa in aad ogaataa in uu san qabiilku ahayn sida Soomaalidu ay u tarjuntey. Waxaad eegtaa waddamada deriska la ah soomaaliya, sida Kenya iyo Ethiopia. Waxay waddamadaas dadka ku dhaqani si rasmi ah u adeegsadaan qabiilka, waxaadna arkeysaa in la dhehayo nika madaxda ah ee kenyaatiga ah, tusaale ahaan, waa Kalanjiin ama masaay. Xataa u fiirso Soomaalida Jabuuti waxay si caam ah kuu oranayaan hebel oo Ciise ama Canfar (Cafar) ah, wax ku jabanna ma leh. Maxaa Soomaalidu ugu dhaqantaa qabyaaladda oo qabiilka uga warwareegtaa. Jawaabta akhristahaan u dhaafay.
Tirada dadka Soomaalida waxaa lagu qiyaasay sida hoos ku qoran:
· 3,253,024 [waa qiyaastii tira koob lasameeyey bishii Febraayo ee sannadkii 1975]
· 7,114,431 [waa tira koobkii 1986 - 1987]
· 9,204,000 [tirakoob ay samaysay hay-adda qaramada midoobey sannadkii 1992]

Waxaa la qiyaasay in tirada Soomaalida sannadkiiba ay ku kororto boqolkiiba saddex ama 3%. Ilaah ayaa xaqiiqada og.
Taariikh Inagoo aan halkaan ku soo wada koobi karayn taariikhda Soomaaliya, waxaan in yar ka xuseynaa taariikhdii iyo magacyadii hore ee Soomaaliya. Waana kuwan hoos ku qoran:
Faraaciyiintii hore ee masaaridu waxay Soomaaliya u aqoon jireen dhulkii udugga ama "land of Punt". Waxayna Soomaaliya caan ku ahayd Maydiga iyo fooxa, kuwaas oo boqorradii faraaciyiintu isticmaali jireen qarnigii 15-aad B.C. [ciise-hortii].
Roomaaniyiintii horena waxay u aqoon jireen dhulkii aan la-aqoon [Terra Incognita].
Carabtii iyo Beershiyiintii hore waxay Soomaaliya soo gaareen qarnigii 7-aad. Meelaha ay carabtu timid waxaa kamid ahaa Muqdisho, Warshiikh, Marka, baraawe, Saylac, Berbera, Bender-Cabbas [Boosaaso].
Haddii aan wax kaxusno taariikhaha dhow waxaa kamida kuwan hoos ku qoran.
Woqooyiga Soomaaliya
1827 ayaa odayaal iyo jiifaf katirsanaa Woqooyiga Soomaaliya ay heshiis lagaleen Ingiriiska, waxaana ku xigey heshiisyadii 1881-1886 oo ahaa in Ingiriisku qabsado Qoqooyiga Soomaaliya [British Somaliland]. Sannadkii 1899 ayaa Seyd Maxamed Cabdulle Xasan asaasay ciidankii la baxay.
Daraawiishta oo xaruntoodu ahayd Taleex. Ciidankaas oo kasoo horjeedey Ingiriiska. Dagaal dheer oo uu lagalay Ingiriiska kaddib, Seyd Maxamed wuxuu ku dhintay iimey. Waxaa Ingiriisku xorriyad siiyey Woqooyiga Soomaaliya June 26, 1960.
Koonfurta Soomaaliya
Bilowgii qarnigii 18-aad waxaa xeebaha koonfureed waxaa qabsaday Salim Al Samimi, kaas oo ahaa Suldaan Cumaani ah oo taageera ka haystey Sinsibaar. Kaddib wuxuu xeebahaas ka iibsadey dawladdii talyaaniga sannadkii 1889.
Dhammaadkii 1889 Talyaanigu wuxuu dareemay inuu cadaadis kala kulmay qabsashada xeebaha Soomaaliya. Isla waqtigaas ayuu Talyaanigu heshiis lagalay cuqaashii Soomaaliyeed ee joogtey xeebaha Waqooyiga-Muqdisho. Kaddibna Talyaanigu wuxuu Soomaaliya kasoo galay Raas-Gardafuul oo u dhow Caluula. Muddo kaddib, sannadkii 1941 ayaa Ingiriisku qabsaday dhulkii koonfureed ee Talyaanigu xukumey.
1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.
Dhacdooyin Muhiim ah Qaybtaas waxaan kusoo qaadanaynaa dhacdooyin iyo taariikho kooban, kuwaas oo kala ah sida hoos ku xusan:
S.Y.L.[Somali Youth League]
Wuxuu ahaa xisbi gobanimo doon ah oo ka asaasmay koonfurta Soomaaliya.
S.N.L.[Somali National League]
Wuxuu ahaa xisbi xorriyad doon ah oo ka asaasmay Woqooyi Soomaaliya.
Maarso 1959
waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.
26 June 1960
waxaa xoroobeyi Woqooyiga Soomaaliya.
1 July 1960
waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur.
1960
waxaa Soomaaliya xukunkeeda qabtay madaxweynihii ugu horeeyey oo magiciisa layiraahdo Aden abdullahi Cusmaan, oo ku magacdheer Aden Cadde. Ra-iisal wasaarihii ugu horeeyeyna wuxuu ahaa Cabdirashiid Cali Sharma'arke.
1964
Waxaa laqabtay doorasho kale, waxaana markale si weyn ugu guuleystey xisbigii SYL. Waqtigaas waxaa ra-iisalwasaare loo doortay Cabdi-risaaq Xaaji Xuseen.
1967
Waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Cabdi-rashiid Ali Sharma'arke.
Maarso 1969
Waxaa laqabtay doorasho, waxaana ku guulaystey xisbigii SYL. Doorashadaas waxaa ka qayb galay:
1,000 musharax, 68 Xisbi, 124 kursi ayaana loo tartamayey. Waxaana Soomaalidu doorashadaas u yaqaanaan "vote khasaaray".
15 Oktobar 1969
Waxaa ladiley Cabdirashiid Cali Sharma'arke isagoo booqasho ku maraaya gobolada Soomaaliya.
21 Oktoobar 1969
Maxamed Siyaad Barre ayaa xukunkii inqilaab ku qabsaday.
1972
Waxaa laqoray Af-Soomaaliga.
1973-1974
waxaa la hirgeliyey barnaamijkii "Ololaha Af-Soomaaliga", kaas oo hal-hayskiisu ahaa "Bar ama Baro".
1974
Soomaaliya waxay ku biirtay ururka carabta. Waqtigaas Siyaad Barre wuxuu madax ka noqday ururka afrikada midowdey - OAU.
1974-1975
Waxaa dhacday abaartii dabadheer, waxayna abaartaasi dhibaato weyn u geysatey xoolaha. Taasina waxay sababtay in dad badan loo raro magaalooyinka Sablaale, kuntuwaarey, iyo Baraawe.
1976
Waxaa la asaasay xisbigii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed.
June 1977
Waxay ahayd xornimadii Djabuuti.
1977
Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u guratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.
April 1978
Waxaa dhacay inqilaabkii dhicisoobay.
1983
Waxaa lajoojiyey [la laxaaraam tinimeeey] kaganacsiga iyo cunitaanka Qaadka. Waxaase xukunkaas laga noqday oo qaadkii dib loo ogolaaday sannadkii 1990.
23 May 1986
Siyaad Barre ayaa ku dhaawacmay shil-gaari oo kadhacay wadada u dhexaysa Xamar iyo Afgooye. Waxaana lagu soo daaweeyey Sucuudiga.
June 1990
Ururka loo yaqaan "Maanafesto" ayaa Siyaad Barre ugu baaqay in uu iscasilo. Wuxuuna Siyaad Barre ku jawaabey isagoo xir-xiray dad badan oo uu ku jirey madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya Aden Cadde.
27 January 1991
Siyaad Barre wuxuu kabaxay magaalada Xamar.

Taasi waxay ahay taariikh kooban ee Soomaaliya intii kahoreysey 1991.
Haddii ay jirto taariikh muhiim ah oo aan kategey, fadlan iigu soo sheeg email.
Macdanta iyo Saliidda Macdanta Soomaaliya waxaa ku jira macdan farabadan oo aan laga faaiidaysan. Sababtoo ah macdantaas waxay u baahantahay maaliyan ama lacag fara badan iyo qalab casri ah iyo weliba dad aqoon iyo xirfad u leh macdanta.
Haddii aan wax ka sheegno qaybaha macdanta iyo meelaha ay ku jiraan, waa kuwan hoo ku qoran:
Berbera: Meel u jirta 15 km waxaa ku kaydsan Jibsam[Gypsum]. Waxaa kale oo Berbera agteeda laga helaa shamiitada.
Buur-hakaba: Waxaa lagu qiyaasay [1968] in ay ku jirto 120 million tons[tan] oo macdan ah, waxaana kamida Yuraaniyam iyo Thorium.
Ceel-buur: waxaa ku kaydsan macdanta loo yaqaan Sepiolite.
Diin-soo: waxaa ku kaydsan qiyaastii 50 million tons oo ah bir-dahaba ama[iro-ore].
Majayahan: oo u dhow Boosaaso waxaa ku kaysdan macdanaha kala ah Tiin, Gypsum,iyo Dahab.
Dhalan: oo u dhow Ceelaayo waxaa laga heli karaa macdanta loo yaqaan Tiin.
Xeebta Jasiira iyo Bacaadka Shalambood: Waxaa ku kaysdan Dahab.
Xaafuun iyo Hurdiye: Waxaa laga helaa Cusbada cuntada [salt].
Waxaa kale oo la sheegay in Soomaaliya ay ku jiraan gaaska dabiiciga ah iyo saliid [iol]. Waxaana laga yaabaa in ay jiraan macdano farabadan oo ku kaydsan Soomaaliya welina aan ladaahfurin.
Dhammaan macdanadaas aan kor ku soo xusnay xaqiiqa ahaan inta xaddiga ah ee waddanka ku kaysan lama hubo, waana qiyaaso iyo mala awaal lasameeyey. Tirooyinka xusani ma aha kuwo lagu helay cilmibaaris qoto dheer. Waxaana akhristayaasha ka codsaneynaa in haddii ay hayaan wax macluumaada oo arintaas ku saabsan ay noogu soo sheegaan emailka hoos ku qoran.
Saliidda (oil)
Soomaaliya waxaa ku jira Saliid farabadan oo aan weli siweyn looga faa'iideysan. Haddii aan wax kaxusno goobaha hadda lagu hubo saliidda waxaa kamidda:
· Saylac (Awdal)
· Lascaanood agteeda (Sanag)
Meelahaas oo ay ahayd meelihii uu ku socdey baadhistu intii xukuumada la ridin. Laakiin badanka somaliya lama wada baadhin.
· afgooye (gaaska dabiiciga ah). xadigiisuna aad u badan yahay.
Waxaan mahad ballaaran u jeedineynaa injineer Ibrahim oo caawinaad nagasiiyey arimaha muhiimka ah ee laxiriira saliidda Soomaaliya dhex jiifta.
Hadii aad u baahatid macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan macdanaha Soomaaliya.
Wershedaha Wershadaha Soomaaliya in kasta oo aysan aad u fara badnayn, hadana waxaa lagu qiyaasay in ay dhaqaalaha waddanka ku siyaadin jireen boqolkiiba-toban [10%]. Qaybo kamida wershadihii Soomaaliya iyo xilliyadii la asaasay waa kuwan hoos ku qoran:
Wershedda Sonkorta Jawhar:
1919 ayaa shirkad talyaani ah asaastay wershadda sonkorta ee jawhar. Sannadkii 1960 kii ayaa wershaddaas 50% kamida loo ogolaaday Soomaaliya. Wax soosaarkeediina waa kan hoos ku qoran:
SannadXaddiga SonkortaWaqtiga waxsoosaarka192630 TonsMaalintii196835,000 TonsSannadkii196940,000 TonsSannadkii197041,000 TonsSannadkiiWershedda Cusbada Xaafuun:
1922 ayaa shirkad Talyaani ah asaastay wershadda cusbada [solar Salt production]. Waxaan laga dhisay Hurdiye - xaafuun. Wershaddaasi waxay soo saari jirtey cusbo dhan 250,000 ilaa 300,000 tons sannadkii. Waxaana wershaddaas hawlgab ku noqday dagaalkii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee 1940-1941.
Wershedda Caanaha Xamar:
1965 ayaa wershadda caanaha ee xamar shaqa bilawday. Wax soosaar keeduna wuxuu ahaa 10,000 litir oo caano ah maalintii.
Wershedda Hilibka Kismaayo:
1968 ayaa la dhamaystiray wershadda hilibka ee kismaayo. Waxayna qali jirtey sannadkii 60,000 neef oo lo'ah, si ay u soo saarto 20 million oo hilib qasacadaysan ah.
Wershedda Kalluunka Laasqoray:
1969 ayaa la dhamaystiray Wershadda Kalluunka ee laasqoray. Waxayna shaqo ku bilawday 5,000 tons oo qasacadood oo Toono ah sannadkii.
Wershedda Dharka Balcad:
1969 ayaa la dhamaystiray wershadda dharka ee Balcad. Waxayna soo saari jirtey dhar kala noocnooc ah, khaas ahaan dharka dugsiyada.
Waxaa kale oo xusid mudan wershedaha kala ah:
Wershadda Kalluunka ee Xaabo, Qandala, Weshadda Sonkorta ee Mareerey, Wershadda Birta ee Xamar, Wershadda Sigaarka iyo Tarraqa ee Xamar, Wershadda Baastada ee Xamar, Wershadda Shamiitada ee Berbera iyo kuwo kale. Ogow akhristow in wershadahaas kor ku xusan dhammaantood ay hawlgab ahaayeen markii aan qorayey boggan, ogaantayda!.


W/D: ABDIFITAH AHMED {ABDIFITAHAAM}
WEBSITE: WWW.ABDIFITAHAAM.9F.COM
E-MAIL: ABDIFITAHAAM@HOTMAIL.COM

©2004 All rights reserved.